Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo gaaray dalka Kuwait (Sawirro)

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo gaaray dalka Kuwait (Sawirro)

daajis.com:- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dowladda Soomaaliya C/wali Sheekh Muudey ayaa gaaray dalka Kuwait, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kuwait C/qaadir Amiin Sheekh, La Taliyaha Safaaradda Abiib Muuse Faarax iyo Wasiiradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ahna Wasiiru dowlaha qorsheynta iyo horumarinta dowladda Kuwait.

Wafdigan ayaa ka qeyb galaya shirka Shaqaalaha Carabta, waxaa shirkaas xubnaha Soomaaliya u matalaya ka mid ah Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada C/wali Muudey, mid ka mid ah la taliyeyaasha Wasiirka, Gudoomiyaha Isu tagga ururweynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji iyo Xoghayaha ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Bakistan

Shirkan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa lagu falanqeeya xaaldaha shaqo ee ka jira wadamada Carabta iyo caqabadaha hor taagan iyo sidii wax looga qaban lahaa, waxaana shirkan ka wada qeyb galaya Wasiirada Shaqada iyo Shaqaalaha Wadama carabta iyo Ururada shaqaalaha iyo kuwa loo shaqeyaba.

Shirkan ayaa furmi doona maalinta berri oo taariikhdu tahay 18-April, waxaana uu soo xirmi doonaa 25-ka bishan, waxaana guud ahaan shirkan lagu lafa guri doonaa arrimaha shaqaalaha, xuquuqdooda iyo sidii Wasiirada ka qeyb galaya shirkan ay u soo bandhigi lahaayeen qorshe cad oo ku saabsan xuquuqda shaqaalaha.




Waxaa shirka sanadkan lagu dooran doonaa Hogaamiyaha afarta sano ee hogaamin lahaa Ururka Shaqaalaha Carabta oo ah urur ay ku mideysan yihiin Shaqaalaha Carabta, waxaana ururada xubnaha ka ah codkooda ka dhiiban doonaan doorashadaa, iyadoo Soomaaliya codeyntaas u matali doono Gudoomiyaha Urur weynaha Isu tagga Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji.

Dhinaca kale arrimaha shirkan looga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah sidii loo wanaajin lahaa xaaladaha shaqo ee ka jira wadamada Carabta loogana hor-tago dhamaan dhibaatooyinka hor taagan Shaqaalaha carabta, si loo abuuro jawi shaqo oo degan maadaama ay dhibaato ka jirto qaar badan oo ka mid ah wadamada Carabta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada