Wasiirka arrimaha dibadda : “Waxaan dooneeynaa inaan Kenya ka helno xoog dalka dib loogu dhiso,”

Wasiirka arrimaha dibadda : “Waxaan dooneeynaa inaan Kenya ka helno xoog dalka dib loogu dhiso,”

daajis.com:- Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar, oo wareysi gaar ah siinayay VOA, ayaa sheegay in Kenya & Soomaaliya uu hada ka dhaxeeyo xiriir aad u wanaagsan.

“Waxaa jira kooxo doonaya inay gobolka kala qaybiyaan, waxayna rabaa in aan gobol-gobol u dagaalanno,” ayuu yiri Hadliye oo la hadlayay VOA-da, isagoo intaa ku daray in ammaan-darrada ay kooxahan sababeen ay khasab ugu dhigtay Kenya inay darbi ka dhisto soohdinta.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in xuduuddu furnaato si ay ganacsatada iyo dadkaba ugu fududaato inay isaga gudbaan, sidoo kalena ay u wadaagaan dhaqanka iyo aqoonta.

“Soomaaliya waxay doonaysaa inay Kenya ka hesho xoog dalka dib loogu dhiso,” ayuu hadalkiisa ku daray Hadliye. Isagoo mar kale yiri. “Waxaanu qabnaa inay jiraan waxyaabo wanaagsan oo labada dal ay wadaagi karaan intii la kala goyn lahaa labada waddan.”


Dhanka kale, wuxuu ammaanay ciidamada Kenya ee wiilasha iyo gabdhaha leh ee jooga Jubbooyinka, kuwaasoo uu sheegay inay dagaal adag kula jiraan Al-shabaab. Isagoo xusay inay ciidamadaas wadaagaan dhinaca xog is-dhaafsiga iyo ka hortagga argagaxisada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada