Everton Oo Garoonkeeda Goodison Park Cashar Lama Ilaa Waan Ah Ugu Soo Dhigtay Manchester United, Xili Red Devils Ay Guuldaradii Labaad Oo Xidhiidh Ahi Soo Gaadhay

Everton Oo Garoonkeeda Goodison Park Cashar Lama Ilaa Waan Ah Ugu Soo Dhigtay Manchester United, Xili Red Devils Ay Guuldaradii Labaad Oo Xidhiidh Ahi Soo Gaadhay

daajis.com:- Kooxda Everton ayaa garoonkeeda Goodison Park cashar lama ilaawaan ah ugu soo dhigtay kooxda Manchester United oo marti ugu ahayd. kooxda Roberto Martinez ayaa ka soo yaabsatay Red Devils iyada oo 3:0 ku soo garaacday. Waxaana goolasha ay Everton guusha kaga gaadhay Man United ukala dhaliyay James McCarthy,James McCarthy iyo Kevin Mirallas.

Waa guuldaradii labaad oo xidhiidh ah ee Man United soo gaadha, waxayna hadda Man United ku sii nagaan doontaa kaalinta afraad iyada oo aan waliba Arsenal kulankeeda ciyaarin, Man City ayaana guul xalay gaadhay kaalinta labaad ku gashay.Sidoo kale waa markii ugu horaysay ee uu Van Gaal laba guuldaro oo xidhiidh ah la kulmo.

Manchester United ayaa marti u ahayd kooxda Everton, waxayna kooxda Van Gaal doonaysay inay dib ugu soo tubta guusha kadib markii ay guuldaro ka soo gaadhay kooxda hogaanka horyaalka haysa ee Chelsea. Man United ayaa sidoo kale doonaysay inay dadaalkeeda sii wato si ay  ugu sii dhawaato inay kaalin fiican ku dhamaysato horyaalka.

Dhinaca kale kooxda martida loo ahaa ee Everton ayaa dhankeeda doonaysay inay iyada oo ka faa’iidaysanaysa garoonkeeda iyo jamaahiirteeda ay guul ka gaadhay kooxda Red Devils.Kulankan ayaa ahaa mid xiiso badan isla markaana ay labada kooxood ku doonayeen inay mid kastaaba guulaysato.1Kooxda martida loo ahaa ee Everton ayaa ku bilaabatay qaab ciyaareed layaableh, waxayna markiiba bilawday inay weerar halis ah ku qaado difaaca Man United. Daqiiqadii 5 aad ee bilawgii ciyaartaba waxay Everton heshay goolka ay hogaanka kula wareegtay, waxaana goolka furitaanka udhaliyay James McCarthy kaas oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Everton hogaanka ciyaarta kula wareegtay.mccarthy

Kubbad ay Man United ka soo tuuratay koorne ayay Everton iska soo saartay, waxayna si deg deg ah u bilawday inay kubbada kula soo orodo dhinacs goolka United, kadib markii ay kubbad qurux badan is dhaafsadeen ayuu James McCarthy jabsaday difaaca Reds Devils taas oo keentay inuu goolhaye De Gea kubbada kula soo baxo sidaana wuxuu kubbada ku hoos marayay De Gea.mc

Man United ayaa bilawday inay ka dagaalanto goolka xili horeba looga naxsaday waxayna markeeda abuurtay furso laakiin difaaca Everton ayaa u muuqday kuwo habaysan oo fursad kasta oo ay Man United abuurto joojinayay.Iyada oo Man United ka fikiraysa sidii ay goolka looga hormaray iskaga soo celin lahayd ayay Everton iyaduna ku fikiraysay inay goolka labaad ee kalsoonida la timaado.man unt

Daqiqadii 35 aad ayay markale Everton heshay goolkeeda labaad, waxaana markan gool qurux badan oo madax ah usaxiixay John Stones, kaas oo markiisa ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Everton hogaanka ku dheeraysatay.Stones

Everton ayaa heshay koorne waxaana si fiican u soo tuuray Leighton Baines, waxaana kubbada diyaar u sii ahaa Stones kaas oo si cajiib ah uga dhex booday difaaca Red Devils, wuxuuna sidaa ku dhaliyay goolka labaad ee Everton. Inkasta oo uu Ashley Young isku dayay inuu kubada iska saaro ayayba goolka ku sii dhex jiray.

Inkasta oo ay Man United ahayd kooxda inta badan kubbada haysatay isla markaana ay bosishanka ku haysay in ka badan boqolkiiba 61% ayay haddana ku guul daraysatay inay wax gool  ah la timaado qaybta hore ee ciyaarta. Red Devils ayaa u muuqatay inay ku dhibtoonaysay weerarka deg dega ah ee Everton, waxayna Man United 45 kii daqiiqo ee qaybtii hore ee ciyaarta heshay laba bartilmaameed oo kaliya.

Waa markii ugu horaysay ee Man United waqtiga nasashada 2:0 lagu hogaamiyo tan iyo April 2014 markaas oo ay sidan oo kale Everton hogaanka ugu qabatay.qaybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2:0 ay Everton gacanta sare ku lahayd.Marouane Fellaini oo ku soo laabtay kooxdiisii hore ee Everton ayayna qaybta hore ee ciyaartu u ahayn mid u fiicnayd wuxuuna Van Gaal badalay waqtiga nasashada isaga oo ku soo badalay Radamel Falcao.Marouane Fellaini

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Man United soo laabtay iyada oo doonaysa sidii ay isaga oo celin lahayd goolasha qaybtii hore ee ciyaarta looga hormaray. Man United ayaana bilawgii qaybtii danbe markale bilawday inay fursado abuurto laakiin markale difaaca Everton ahaa mid aan wali la dhaafi karin.

Daqiiqadii 70 aad ayay Man United ku sigatay inay goolkeeda kowaad la timaado kadib markii uu Falcao helay fursad qaali ah oo uu goolka kowaad Man United ugu dhalin gaadhay. kubbad uu Di Maria meel fog ka soo tuuray ayuu Falcao si fiican madax dhinaca danbe ugu darbeeyay, goolhaye Howd ayaana soo yara baxsanaa laakiin waxa uu ku guulystay inuu fursadaa iska badbaadiyo. Everton ayaana bilawday inay difaacato goolasha ay qaybtii hore dhashatay halka ay Man United ahayd kooxda weerarka joogtada ah soo qaadaysay.Falcao

Laakiin dadaalka Man United ayaa hal bacaad lagu lisay noqday daqiiqadii 74 aad markaas oo ay Everton heshay goolkeeda saddexaad ee ay Man United dhulka ku jiiday. Waxaana goolka saddexaad Everton udhaliyay  Kevin Mirallas kaas oo ciyaarta badal ku soo galay daqiiqadii 69 aad, wuxuuna markiisa ciyaarta ka dhigay 3:0 ay Everton hogaanka ugu raaxaysanayso.mirallas

Ross Barkley ayaa khadka dhexe  kubbad ka soo tuuray iysaga oo difaaca United soo daba mariyay, wuxuuna kubbada la doonayay lukaku, laakiin Lukaku ayaa ku jiray offside wuxuuna kubbada u daayay saaxiibkii Mirallas oo dhinaca bixid ka soo ordayay, Mirallas ayaa  ayaa kubbada kula soo baxay De Gea wuxuuna  haystay laba dooraso oo kala ahaa  inuu kubbada siiyo Lukaku iyo inuu nasiibkiisa goolka tijaabiyo, wuxuuna doortay inuu goolka toogto sidaana wuxuu ku dhaliyay goolka uu natiijada ciyaarta kaga dhigay 3:0 ay Everton markale hogaaka ku sii dheeraysatay.Mirallas2

Daqiiqadii 82 aad ayay Falcao Man United udhaliyay gool laakiin si cad ayuu ayuu offside ugu jiray, waxayna Man United markii goolka saddexaad laga dhaliyay u muuqatay inay niyadjabtay, halka Everton ay kalsooni dheeraad ah heshay.United

Daqiiqadii 84 aad ayuu markale Mirallas ku sigtay inuu kooxdiisa udhaliyo goolka afraad kadib markii inta uu kubbad la dhex orday Man United uu kubbad gantaal ah ku tuuray goolka Man United laakiin markan De Gea ayaa sameeyay badbaadin fantastik ah, isaga oo dirqi isaga saaray halista uu Mirallas galiyay. ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhaatay 3:0 ay Everton ku dubatay kooxda martida u ahayd ee Man United.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada