daajis.com:- Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Waxbarashada Marwo Khadar Bashiir Cali, Wasiirka Batroolka & Macadanta Maxamed Mukhtaar Ibrahim, Wasiiru dowlaha Waxbarashada C/laahi Bile Nuur iyo xubno kale oo kamid ah golaha Wasiirada ayaa maanta booqday dhaawacyada dadkii ku wax yeeloobay weerarkii shalay Al-Shabaab ku qaadeen xarunta Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare, halkaas oo ay daganayeen Wasaaradaha Waxbarashada iyo Batroolka & Macadanta.
Wasiirada ayaa booqday Isbitaalka Deva halkaas oo la geeyay inta badan dadka ay dhaawacyadu soo gaareen, waxana ay u rajeeyeen caafimaad, iyadoo xubnaha golaha Wasiirada ee isbitaalka booqday ay warbixin ka dhageysteen maamulka Isbitaalka Deva ee la tacaalaya dadka dhaawacyada qaba.
“Runtii arrintani waa fal argagax leh, kuwa dhibaatadan u geystay shacabkana Insha allaahu wey ku naartegayaan. Shacabka Soomaaliyeed waa inay ciidamada Amniga ay la shaqeeyaan, sababtoo ah qof dhuumanaya oo hadana naftiisa haligaya waa Qatar, waase laga hortegi karaa haddii shacabka iyo ciidamada Amnigu ay wada shaqeeyaan” ayuu yiri Wasirka Amniga Gudaha oo si gaar ah ugu mahadceliyay dhaqaatiirta Isbitaal Deva oo uu sheegay in shacabkan dhaawacmay ay u fidiyeen gargaar deg deg ah.
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Marwo Khadar Bashiir Cali, ayaa eebe uga bariday caafimaad dadkii Soomaaliyeed ee dhibaatadu ay gaartay, iyadoo tacsi u dirtay shacabkii iyo ciidamadii naftooda qaaliga ah ku weeyay falkii argagixiso, waxana ay sheegtay iney aad uga xun tahay wixii ka dhacay Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare oo dhibaato badan ay kasoo gaartay dad aan waxba galabsan.
Ugu danbeyn, Wasiirka Wasaaradda Shidaalka iyo macdanta, Mudane Maxamed Mukhtar Ibrahim ayaa ku tilmaamay weerarkii shalay mid ‘wuxushnimo’ waxaana uu xusay inuu guul dareystay isku day-goodii ahaa in ay hakad galiyaan dib u dhiska qaranka. Waxaa uu ugu hambalyeeyay ciidanka geesinimada ay markiiba kusoo afmeereen weerarkaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:58 and have
, Published at