daajis.com:- Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan waxa ay ku riday todobo qof oo lagu eedeeyay in ay katirsanaayeen Ururka Al-Shabaab.
Dhalinyaradan Maanta Xukunada xabsiga ah lagu riday ayaa maxkamadu sheegtay in ay qirteen Dambiyada lagu eedeeyay ee ahaa in ay katirsan yihiin Al-Shabaab , waxaana lagu riday Xukuno 10-sano iyo 5-sano oo xabsi ah.
Kaaliyaha Maxkamada Ciidanka qalabka sida Gaashaanle dhexe Xasan Cabdi raxmaan Aadan ayaa sheegay in ragan ay katirsan yihiin Al-Shabaab ayna soo qabteen Ciidamada Qalabka sida, waxa uuna tilmaamay in xukuno kala duwan lagu kala fuliyay.
Raggii la xukumay ayaa kala ahaa.
1-Cabdi raxmaan Axmed Afrax
2-Cabdi raxmaan Muqtaar Caamir
3-Cabdi naasir Aadan Caynte
4-Cabdulaahi Xersi Maxamed
5-Maxamed Xasan Cali
6-Maxamed Cabdi Yuusuf
7-Maxamed Deeq Cabdul qaadir Fiidow.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:00 and have
, Published at