daajis.com:- Wiil kaba caseeya ah iyo sheeko cajiib ah oo na dhex martey.
Ileys M Xusseen
ilyas.mh1@gmail.com>
Abriil 20 2015
maqaalAniga oo shaah ka cabaya makhaahi ku taal via Roma ee Xaafada Xamarweyne ayaa waxaa ii yimid wiil yar oo kabacaseeya ah asaga oo dadkii kale soo wada dhaafey wuxuuna igu yiri ” Adeer 10 kun isii waxaa iga dhamaadey luujitadii aan kabaha ku caseynayey lacag aan ku soo iibsado ma haysti si aan maanta u shaqeysto”. Waxaan ku iri “Magacaa imisa sano ayaase jirtaa ?”. Wuxuu igu yiri “Magacayga waa Cali laakiin ma aqaan da´da aan jiro”.
Lacagtii uu i weydiistey ee 10 kun ahayd ayaan siiyey oo u dhiganta nus dollar kadib wiilkii yaraa su`aal ayuu i weydiiyey oo wuxuu igu yiri ” Adeer caruur ma leedahay?”. Waxaan ku iri “haa”. Wuxuu i weydiiyey da´dooda waana u kala sheegey kadib wuxuu i weydiiyey su`aal cajiib ah oo wuxuu igu yiri ” Imisa jir ayey caruurtaada ilkaha ku dhacsadeen”. Waxaan ku iri ” Qaarba si 6 jir ama 7 jir ayey ilkaha kaga dhaceen”. Marka wuxuu igu yiri ” Aniga weli ilkaha ma dhacsan”. Wuxuuna i tusey ilkihiisa yar yar ee siman. Kadib waxaan gartey in wiilkan yar uu ka yaryahay caruurteeda, misna shaqeynayo.
Cali wuxuu kaloo ii sheegey in 3 caruur kale ay la dhasheen oo gedigood kaba caseeyayaal yihiin oo kan ugu weyn uu 12 jir yahay qiyaastii. Waxaan weydiiyey in aabbahood noolyahay iyo inkale wuxuuna ii sheegey in uu nool yahay oo aan shaqeyn. Aniga oo yaaban ayaan weydiiyey sababta aabbahood uusan u shaqeynaynin wuxuuna i siiyey jawaab cajiib ah oo iga yaabisey wuxuu i yiri ” Abbahayga in uu shaqeeyo uma baahno 4 wiil uu dhaley ayaa u shaqeysa !.”
Wadamada caalamka ee ilbaxey waa mabnuuc in caruurtu ay shaqeyaan, noloshooda iyo waxbarashadooda waxey mas`uuliyad ka saaran tahay waalidka dhaley laakiin halkan Soomaaliya waxaan ku arkey caruur haysa nolosha waalidkii dhaley oo iyagii masaruufa, waa duni isweydaarsan. Raqba waa ku raggeed.
______________________________
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN DAAJIS.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA Ceelka@gmail.com
Xigasho raxanreeb.com
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 04:30 and have

