daajis.com:- Iyadoo ay jiraan warar sheegaya in wada shaqeyn uu ka dhexeeyo Maleeshiyaadka Alshabaab iyo Ciidamada Kenya, ayaa waxaa soo baxaayo warar la xiriira qaabka ay Ciidamada Kenya Hubka uga iibiyaan Alshabaab.
Ciidamada oo adeegsanaaya Xeelado hoose oo ay kula xiriiraan Maleeshiyada ayaa waxaa la tilmaamayaa in Hubka ay ku kala iibsadaan Xadka ay wadaagan Somalia iyo Kenya.
Hubka ayaa la tilmaamayaa in inta badan laga qaado Keydka hubka ugu weyn Deegaanka Gaarisa, waxaana lagu qaada gaadiidka loo yaqaan Ambalas-ka, iyadoona lagu wareejiyo Taliyaha Ciidamada ilaalada xadka oo isagu isku xire u ah ilaa Seddex Taliye guuto.
Mid kamid ah Wargeysyada Mucaaradka Kenya oo xiganaaya Ilo wareedyo ka tirsan Laamaha amaanka gaar ahaan kuwa dabagalka, ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Kenya ay Hubkaasi ku wareejiyaan qaab xeeladeysan.
Waxa uu daabacay in Hubkaasi lagu aaso meel Xadka Kenya ka baxsan ilaa 15km, oo ay ku jiraan fuustooyin afka laga jaray, halkaasi oo markii ay Ciidamadu ku aasan dib uga soo baxo, waxaana durbadiiba kala baxa Maleeshiyaadka Alshabaab.
Sidoo kale, waxaa jiro warar la rumeysan yahay in dariiqada labaad oo ay Hubka ku kala iibsadaan ay tahay in Maleeshiyadu ay xadka usoo dirsadaan dad xoolo dhaqato ah, gaar ahaan kuwa ku xamaasho dameerada la rarto kuwaasi oo usoo daabulo Hubka, islamarkaana dib ugu laabto.
Qaabkaani ay Ciidamada Kenya ku iibiyaan Hubka ayaa waxa ay walaac ku beertay Xisbiyada Mucaaradka, waxaana suuragal ah hadii ay sii socto arrintaani in xiriirka labada dhinac uu sii xoogeysto
Dhawaan ayay aheyd goortii ay warbaahinta Kenya daabaceen warar sheegaya in Ciidamada Kenya iyo Alshabaab uu ka dhexeeyo heshiis, islamarkaana xiliyada weerarada laaluush lasiiyo Ciidamada si ay u fududeeyan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 04:00 and have

