Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo maanta lagu dilay Muqdisho

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo maanta lagu dilay Muqdisho

daajis.com:- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa goor dhow lagu dilay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, xilli uu la socday gaari.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanka oo lagu magacaabayay Aadan Xaaji Xuseen uu maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Dabley hubeysan oo wadatay gaari ayaa rasaas ku furay Xildhibaanka ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland, agagaarka Xaafada Taleex ee degmada Hodan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Xildhibaankan la dilayay uu arrimo caafimaad u yimid magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa inuu la socday Xildhibaan kale oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada