Qaar kamid ah Wadamada Afrika oo bilaabay inay Muwaadiniintooda kala baxan Dalka South Africa

Qaar kamid ah Wadamada Afrika oo bilaabay inay Muwaadiniintooda kala baxan Dalka South Africa

daajis.com:-  Qaar kamid ah Wadamada Afrika ee muwaadiniintoodu kunool yihiin Dalka Koonfur Afrika ayaa bilaabay in ay dadkooda halkaasi ka daad gureeyaan si looga bad baadiyo weerarada ajaaniib naceybka ah ee ka bilowday Dalkaasi.

Wadamo ay kamid yihiin Zimbabwe Malawi, iyo Burkina Faso ayaa bilaabay in muwaadiniintooda kala baxaan Dalkaasi kadib markii ay korortay rabshadaa ajaaniib naceybka ah ee kasocda Dalka Koonfur Afrika.



Rabshadaha Ajaaniib naceybka ah ayaa ka bilowday Magaalada Xeebta ee Durban kadib markii boqorka Qoomiyada Zuluga uu ku baaqay in dadka ajaaniibta ah ay dalkooda uga baxaan.

Ajaanibta ku nool dalka Koonfur Afrika gaar ahaan magaalada Durban ayaa hada bilaabay inay iska xaadariyaan xeryo looga sameeyey qeybo kamid ah magaaladaasi, si ay uga bad baadaan weerarka jinsi naceybka ah.

Rabshadaha kasocda Dalka Koonfura AFrika ayaa laga cabsi qabaa in ay kusii fidaan magaalootin hor leh, waxaana hada cabsi badan ay ka jirtaa Magaalada Johansberg oo ah xarunta ganacsi ee Dalka Koonfur Afrika.


Dadka rabshadaha wada ee u dhashey Qawmiyadda KwaZulu-Natal ee Koonfur Afrika ayaa beegsanaya guryaha iyo ganacsiga muwaadiniinta ka soo jeeda dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Malawi iyo dalal kale oo badan.

Boqorka Qoomiyada Zuluga King Goodwill Zwelithini ayaa lagu eedaynayaa in uu ka danbeeyo rabshadahan cusub waxaana uu horey ugu baaqey in ajaanibta laga saaro dhulkiisa, waana mida dhalisay rabshadaha hada socda.



Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika Jocob Zuma ayaa cambaareeyay Weerarada ka dhanka ah dadka ajaaniib naceybka ah, waxa uuna tilmaamay in dalkiisu ceeb ku tahay waxa hada dhacaya.

Dalka Koonfur Afrika waxaa kunool Soomaali aad u fara badan kuwaa oo ganacsiyo kala duwan dalkaasi kiu leh, waxaana hada ay halis ugu jiraan in ay dhibaato kasoo gaarto dadka Koonfur Afrikaanka ah ee rabshadaha ku dhisan jinsi naceybka dalkaasi kawada, mana muuqato Dowlada u gurmaneyso dadkaasi oo maanta noloshooda soo bad baadin karta.

Soomaalida Qaarkood ee kunool Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in halis badan soo wajihi doonto hadii aysan Dowlada South AFrica ka hortagin rabshadaha hada socda, waxa ayna tilmaameen in ilaah kaliya uu u maqan yahay ayna talo saarteen iyaga oona rajo badan ka qabin in Dowlada Soomaaliya ay arintooda wax ka qaban karto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada