Barre Ducaale oo markale loogu baaqay inuu is casilo

Barre Ducaale oo markale loogu baaqay inuu is casilo

daajis.com:-Siyaasiyiin katirsan Isbahaysiga Isbedel-doonka iyo Dimuqraadiyadda Kenya ee CORD ayaa ku baaqay inuu is-casilo Hoggaamiyaha Aqlabiyadda ku leh Barlamaanka dalkaasi, Aadan Barre Ducaale, oo ka laabtay hadal uu horey ugu sheegay inuu soo bandhigayo Liiska dadka xubnaha ka ah Alshabaab ee ku nool Goballadda W/bari ee Kenya.

Moses Wetengula ayaa sheegay inuu Aadan Barre Ducaale bedelay Ra’yigiisa, si aan loogu tuhmin inuu taageersan yahay Alshabaab.

Aadan-Barre-Ducaale

Waxa uu sheegay inay waajib tahay inuu Hoggaamiye kasta qaado mas’uuliyadda waxa uu sheego.

Xildhibaan kale oo lagu magacaabo Junet Mohamed ayaa sheegay inuu Aadan Barre Ducaale mas’uul ka noqon doono weeraradda ay Alshabaab ka geystaan Gobalka.


Senator Booni Khalwale ayaa ugu baaqay Aadan Barre Ducaale inuu daacad u noqdo si loo sugo ammaanka dalka Kenya.

Mudane Aadan Barre Ducaale ayaa horey u sheegay inuu soo bandhigi doono Liiska dadka taageera Alshabaab ee ku sugan Gobalka W/bari Kenya, wax yar kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab weerareen Jamaacadda Garissa bishii April 2-dii ee sannadkan, oo lagu dilay 148-qof.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada