Caasha Geelle oo iska casishay Guddoomiyenimadii Guddiga dib u eegista Dastuurka

Caasha Geelle oo iska casishay Guddoomiyenimadii Guddiga dib u eegista Dastuurka

daajis.com:-  Guddoomiyihii Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka Marwo Caasho Geelle Diiriye ayaa maanta kaga dhawaaqday magaalada Galkacyo inay baneysay xubinimadii Guddigaas.

Caasha Geelle sheegtay in markii ay aragtay waqtiga haray aanay howshooda ku sii wadi karin, isla markaana shacabka aysan farxad gelin karin, waxaana ay xustay in aanay is casilin, balse ay xubinimadii Guddiga ay baneysay.

“Waxaa halkan ka sheegayaa inaan baneeyay xubinimadii aan ka ahaa Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka, markii aan ogaaday waqtiga haray inaan howsha ku dhameystiri karin”ayay tiri Caasha Geelle.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in mudadii 11-ka bilood ee ay xilka haysay wax badan laga filayay oo aan lagu guuleysan sida ay tiri.


Caasho Geelle oo aheyd xubintii Puntland u matalaysay Guddiga madaxa banaan ee dastuurka ayay wararka qaar sheegayaan in is casilaadeeda ay ka dambeysay markii Madaxweynaha Puntland uu ka dalbaday inay xilkaas baneyso.

Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka ayaa waxaa sugaya, howsha ugu badan ee loogu gudbayo in dalka doorasho ka dhacdo sanadka 2016, waxaana Guddigan laga filayaa in sanadkan ay soo gaba gabeeyaan dib u eegista dastuurka, isla markaana afti loo qaado.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada