Cabdifitaax Bare Guure oo Maanta Lagu toogtay Degmeda Wadajir ee Magaalada Muqdisho

Cabdifitaax Bare Guure oo Maanta Lagu toogtay Degmeda Wadajir ee Magaalada Muqdisho

daajis.com:- Waxaa maanta Degmeda Wadajir ee magaalada Muqdisho lagu diley gudoomiye ku xigeenka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Cabdifataax Bare Guure iyo labo ka mid ah ilaaladiisa ka dib markii kooxo hubaysan oo gaari watay ay rasaas ku fureen gaariga gudoomiyaha.

Gudoomiyah ayaa la sheegay in uu waqtigii weerarka uu dhacayay uu ku sugnaa Xaafadda Nasteexo ee Degmeda Wadajir.

Kooxaha dilka geysatay ayaa la sheegayaa in ka baxsdeen goobta ay dilka ka geysteen waxaana goobta soo gaaray ciidamada dowladda oo ku sugnaa meel aan sidaa uga sii fogayn xaafadda Nasteexo oo uu dilku dhacay.

Ma jirto masuul ka tirsan dowladda iyo saraakiisha amaanka oo ka hadlay dilka Gudoomiye ku xigeenka iyo ilaaladiisa, Waxaana masuuliyada dilkan sheegay Ururka Al-shabaab oo dilalka qorshaysan ka fuliya magaalada Muqdisho iyo gobolada kale.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada