Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Kenya oo gaaray magaalada Kismaayo

Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Kenya oo gaaray magaalada Kismaayo

daajis.com:- Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Kenya Tedros Adhanom iyo Amina Mohamed ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose.

Sida ay sheegayaan wararka Wasiiradan Arrimaha Dibada Kenya iyo Itoobiya ayaa ka qeyb geli doona xaflad loo sameynayo Baarlamaanka Jubba, kaasoo dhowaan la soo dhameystiray, isla markaana soo doortay Guddoomiye iyo labo kuxigeen.

Wararka ayaa sheegaya in wafuudyo ka socda wakiilada beesha Caalamka ayaa iyana ku wajahan Kismaayo, si ay uga qeyb galaan caleema saarka Baarlamaanka Jubbaland.


Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud uu isna ku wajahan yahay Kismaayo, si uu uga qeyb galo munaasabada loo sameynayo Baarlamaanka Jubba.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ay noqoneysaa markii u horeysay oo Wasiiro arrimo dibadeed ka socda Itoobiya iyo Kenya ay tagaan magaaladaas.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada