daajis.com:- Wariyeyaasha ka howlgala magaaladda Muqdisho ayaa waxaa la soo gudboonaatay qatar cusub oo kaga imaanaysa dhinaca Dowladda Soomaaliya iyo Kan AL Shabaab (UGUS)
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta wixii ka dambeeya Kooxda Al-Shabaab loo aqoonsaday Magaca UGUS.
Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa sheegay in Kooxda Al-Shabaab loo isticmaalo Magaca ah UGUS oo laga soo gaabiyay (Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed).
Waxaana Magacaasi uu ka turjumayaa Afcaasha Kooxda Al-Shabaab oo ka caado yeelatay Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed, iyadoona Magacaana uu noqonayo kan Rasmiga ah ee ay Dawladda Soomaaliya ay u taqaano Kooxdaasi ee iyagu isku yaqaan Al-Shabaab.
Ururka Al Shabaab ayaa iyagana Dhinacooda Kasoo saaray Bayaan ay ku sheegayso in Wariyihii magacaas u adeegsado Ururka Al Shabaab uu la kulmi doono wuxuu mutaystay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:40 and have

