daajis.com:- Waxaa Maanta deegaanka Ceel Cadde ee duleedka Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad aad u balaaran oo lagu caleemo saarayay Malaaqa Beesha Mataan Cabdule Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaq Wehliye.
Munaasabada lagu caleemo saarayay Malaaqa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya oo isugu jiray Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya, Xildhibaano, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho , Siyaasiyiin caan ah iyo waxgarad iyo marti sharaf kala duwan.
Munaasabada Caleemo saarka intii ay socota waxaa ka hadlay madasha Masuuliyiin kala duwan oo ka qeyb galay, Waxgarad ,Duubab iyo marti sharaf ka qeyb gashay Munaasabadaasi kuwaa oo aad ugu faraxsanaa Malaaqa maanta la caleemo saarayay.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo ka hadlay xaflada Caleemasaarka ayaa soo dhaweeyay caleemasaarka Malaaqa isagoo ugu hambalyeeyay Malaaq Cali Maxamed Wehliye in uu noqdo Malaaqa 11-aad ee beelaha Xamar iyo Xamar-dayem wuxuuna ballan qaaday in uu si wanaagsan ula shaqeyn doona malaaqa.
Malaaq Cali Maxamed Wehliye ayaa noqonaya Malaaqii 11-aad oo ay yeeshaan beesha Mataan Cabdulle , waxaana munaasanada maanta lagu caleemo saarayay Malaaqa Cusub kusoo dhamaatay jawi aad u wanaagsan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:14 and have
, Published at