Daawo Sawirada Waddamada Carabta oo loogu baaqay in ay maalgashadaan Suuqyana ka furtaan Soomaaliya

Daawo Sawirada Waddamada Carabta oo loogu baaqay in ay maalgashadaan Suuqyana ka furtaan Soomaaliya

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xaflad quraac ah xarunta Madaxtooyada ugu sameeyay danjireyaasha waddamada Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa danjireyaasha uga warbixiyey xaaladda siyaadeed ee dalka, qorshaha dhismaha iyo isku dhafka ciidammada, adeegyada bulshada, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

“Waxaan idin kaga mahadcelineynaa sida aad mar walna inoo garab taagan tihiin, welina waan u baahanahay inaad sii waddaan taageeradiina. Gobollada Soomaaliya oo dhan waa kuwo kheyraad kala duwan leh, sidaa darted waxaan idinka codsaneynaa inaad maalgashi ku sameysaan dalka, isla markaana aad badeecadaheena u furtaan suuqyadiina, waayo waxay taasi naga caawineysaa inaan sameyno dib u kabasho dhaqaale oo waxtar leh’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Danjireyaasha waddamada Carabta oo iyaguna halkaasi ka hadley ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan horumarka siyaasadeed iyo dib u dhis ee Soomaaliya ka socda, ayna waddamadooda sii wadi doonaan la shaqeynta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada