daajis.com:- (Jowhar)— Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhimatay weerar is qarxin ah oo maanta lagu qaaday masaajid shiicada ku dukadana oo ku yaala bariga Sacuudiga.
Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay illaa 70 ruux, oo qaarkood dhaawacooda uu culus yahay.
Isbitaalka Qatif ayaa la sheegay in looga baahday dhiig deg deg ah, si loogu shubo dadka dhaawacyada daran soo gaaray ee aadka u dhiig baxay.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in masaajidka Imam Ali oo ku taala Tuulada Al-qadeeh oo ka tirsan Gobolka Qatif uu ruux ku xirnaa waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay salaadii jimcaha ee maanta.
Waa weerarkii u horeeyay ee ka dhaca Sacuudiga, xilli ay sii kordheysa xiisada ka taagan Gobolka ee u dhaxeeya Sunniyiinya iyo Shiicada, tan iyo markii Sacuudiga uu bilaabay weerarka cirka ah ee ka dhanka ah Xuutiyiinta.
Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay weerarkan, waxaana Telefishinada ay soo gudbinayeen muuqaalada masaajidka oo aad ugu waxyeeloobay qaraxa, gaar ahaan muraayadaha masaajidka iyo tiirarka dhismaha masaajidka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:06 and have
, Published at