Daawo Sawiro:- laga soo qaaday Muslimiinta Rohingya oo ku dayacan Xeebaha dhowr dal iyo dib u dajin loo diiday

Daawo Sawiro:- laga soo qaaday Muslimiinta Rohingya oo ku dayacan Xeebaha dhowr dal iyo dib u dajin loo diiday

daajis.com:- Madaxweynaha Wadanka Gambia, Yahya Jammeh, ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in dib u dejin uu u sameeyo Muslimiinta Rohingya, oo ka soo cararay dalka Burma.

Qiyaastii toddobo kun oo ruux, ayaa waxaa la sheegay inay saaran yihiin doomo ku kala sugan xeebaha dalalka Indonesia, Malaysia iyo Thailand, iyagoona loo diiday in dib u dejin loo sameeyo.

Dalalka Malaysia iyo Indonesia, ayaa waxay Khamiistii balanqaadeen in muddo hal sano oo keliya, ay qaabilaad u fidinayan dadkaasi, markii wadamo aan la shaacin ay aqbaleen in mudadaasi ay dib u dejin ugu samayn doonaan.

Madaxweynaha Gambia, ayaa qoraal ku sheegay in Muslimiinta dhibaatada kala kulmaysa dadka aan Muslimka ahayn ee Burma u dhashay, ay ku soo dhaweynayaan dalka Afrikada Galbeed ku yaala.

Madaxweynaha, ayaa cadeeyay in dalkiisu uu qaatay go'aanka ah in loo gurmado Rohingaha, xilli aynaan wax naxariis ihi ka helin dalalka dhaca Koonfur Bari Qaaradda Asia.

Indonesia iyo Malaysia, ayaa waxcay cadeeyeen inaanay qaabilaad ku meel gaar ah u fidin doonin, wax ka badan 7-da kun ee qaxootiga reer Rohingya ee xeebaha dalalkaasi gaaray.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada