daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya C/salaam Hadliye Cumar ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka ( Villa Somalia) Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Qatar H.E. Khalid bin Mohammed Al Attiyah oo booqasho ku yimid Caasimadda dalka ee Muqdisho .
Kulankaasi oo albaabada u xirnaa , waxaa xigay kulan ballaaran oo Wafdiga dowladda Qatar iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada oo uu hogaaminayay Ra’iisul wasaaraha ay yeesheen , waxaana ka qeybgalay wasiirada arrimaha dibadda Dr. Cabdisalaam Hadliye Cumar , Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Aadan Ibraahim ,wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Dr. Khadar Bashir Cali , wasiirka amniga gudaha Mudane C/rasaaq Cumar Maxamed, wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Cali Axmed Jaamac “Jangali”, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Khaalid Cumar Cali , wasiir kuxigeenka arrimah dibadda iyo dhiirigelinta maalgashiga Axmed Maxamed Cali “ Kediye” , taliyaha hey’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka Major General Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare , gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Major General Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” iyo mas’uuliyiin kale .
Shir Jaraa’id oo si wadajir ah ay u qabteen wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxa ay sheegeen in laga wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga xoogan ee labada dal ka dhaxeeya .
Wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa xusay in dalkiisu uu garab taagan yahay Soomaaliya , kana qeyb qaadan doono dib u dhiska, mashaariicda horumarinta iyo soo celinta adeegyada caafimaadka iyo kaabashaayasha dhaqaalaha.
Dhankiisa , Wasiirka arrimaha dibadda iyo dhiirigelinta maalgashiga ee Soomaaliya ayaa xusay in dhiggiisa Qatar ay kala hadleen iskaashi dhinacyo badan leh oo labada dowladood ay yeeshaan , xaaladaha ammaan darro ee Yemen , si gaar ah taageeridda iyo badbaadinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi .
Wasiir Dr. C/salaam Cumar Hadliye waxa uu cadeeyay in Soomaaliya iyo Qatar ay ka mideysan yihiin mowqifka taageeridda dowladda sharciga ah ee Yemen , ayna rajeynayaan in nabadda iyo deganaanshaha dalkaasi dib u soo noqon doonto .
Wafdiga dowladda Qatar ayaa waxa ay booqasho ku tageen dhul dowladda hoose ee Muqdisho ay ugu deeqday oo ay ka dhisan doonaan safaarad cusub.
Wasaaradda arrimaha dibadda iyo dhiirigelinta maalgashiga waxa ay u mahad-celineysaa waajibka qaranimo ee ay guteen ciidamada ammaanka oo sugayay ammaanka wafdiga dowladda Qatar ee maanta soo booqday Muqdisho , taasoo muujineysa kobaca iyo dhismaha awoodda ciidamada Qaranka .
Socdaalkani oo ah kii Seddexaad ee wasiirka arrimaha dibadda Qatar uu ku yimaado Caasimadda Muqdisho ayaa ku idlaatay jawi guul ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:09 and have
, Published at