daajis.com:- Qaar kkamid ah shacabka reer Berbera ayaa si weyn uga xumaadey dadka maatida ah ee dekadda Berbera lagu xanibey, iyo guud ahaan joojinta qaxootiga Soomaalida ee ka soo cararaya dalka Yemen. Waxay sheegeen in iyagaba dhibaato ay soo amrtey oo dalka Itoobiya ay u qaxeen, lana soo dhaweyey.
Cuqaasha iyo waxgaradka ayaa sheegay in haddii aan dhaqaale loo hayn oo hay’adihii ay gacmaha ka laabteen shacabku ay isku tashadaan, waagii macaluushu dhacdeyba 2011 Muqdisho ayaa lacag loo direy tii oo kale aynu samayno ayey yiraahdeen, waxay canbaareyn dusha uga tuureen go’aanka xukuumadda Somaliland, arintan oo muujineysa sida in badan oo kamid ah shacabka Somaliland u diidan yahay in qaxootiga la kala saaro.
Maalintii shalay waxaa Berbera soo gaarey Markab sidey 54 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo u badnaa haween iyo caruur ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo ka soo cararey dagaalada Yemen, waxaa markabka laga dejiyey qaxootigii dadkaa Yemen iyo dadkii u dhashey gobolada Somaliland ka arrimoso, oo loogu yeeray “Somalilanders” waxaana muddo saacado ah loo diidanaa dadkii kale oo caruurta iyo haweenka u badnaa, taas oo ahayd mid ka soo horjeeda heshiisyada caalamiga ah, midda bini’aadanimo iyo midda Islaanimo, waxaana haweenaka qaarkood ku qaylinayeen in ay badda isku turayaan haddii aan la dejin taas oo dad badan ka argagaxeen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at