Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha cusub ee Nigeria

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha cusub ee Nigeria

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyadda Nigeria Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Fedraalka Nigeria Mudane Muhammadu Buhari.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xirriirka labada dal, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu warbixin ka siiyey dhiggiisa xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada ah.

“Dowladdaha Soomaaliya iyo Nigeria waxyaalo badan ayey wadaagaan, waxaa ka mid ah Kooxaha Al Shabaab iyo Boko Haram oo iska mid ah mabda’a iyo ficilada xun-xun ee ka fog bani’aadamnimadda, labada dowladdood arrimahaas waa ay iska kaashan doonaan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Nigeria ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya Ciidamo Boolis ah oo qeyb ka ah howl galka AMISOM, iyadoo Nigeria ay tahay wadanka ugu dadka badan Qaaradda Afrika.



Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ahaa Madaxdii lagu casuumay caleema saarka Madaxweyne Buhari oo si rasmi ah shalay xilka loogu dhaariyay, isla markaana xafiiska kala wareegay Madaxweynihii hore Jonathan Goodluck.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in Madaxweyne Buhari uu booqsho ku imaan doono Soomaaliya si loo joogteeyo iskaashiga labadda Dowladdood.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada