daajis.com:- Muxumad Jaamac Dheereeye oo 62 sano jir ku nool magaalada Buhoodle ayaa mucjiso ku dhigay inuu xannaaneeyo Abeesooyinka, Xamaaratada, Jilbiska iyo Masaska kale ee halista badan, ee laga baxsan marka ay dadka cunaan.
Muxumad Jaamac Dheereeye oo dadka deegaanka ay ku magacaabeen Abeeso Qaad wuxuu sidoo kale af yaqaan, lana hadlaa Masaska kala duwan, isagoo awood u leh inuu garab ka dhigto ama uu ku duulo marka uu qof dagaal la galo.
abeeso=.-qaadNinkani Odayga ah wuxuu Rabbi u sahlay inuu gacanta ku qaato, qoortana surto Abeesada, Xamaaratada iyo masaska kale ee dilaaga ah, iyagoo aan wax dhibaato ah kala kulmin tan iyo cimriga uu jiro ee 62 sano jir ah.
Wuxuu sheegay Abeeso Qaad in arintan mucjisada ah isku arkay 5 sano jirkiisa oo uu bilaabay inuu la sheekeysto lana ciyaaro masaska dilaaga ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 09:30 and have
, Published at