daajis.com:- Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu dhameystiray heshiis in mudo ah soo socday oo dhex maray Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Shirkadda PGM oo ah shirkad Turki ah oo koontorooli doonta badeecadaha dalka lasoo gelinayo iyo kuwa dibada loo dhoofinayo.
Waa markii ugu horeysay 25 sano kadib burburkii dalka oo Dowlad Soomaaliyeed awood u yeelado in ay baaris ku sameeyeen tayada badeecadaha dalka lasoo geliyo.
Waxaa heshiiskaan Dowladda Somalia u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Ganacisga & Warshadaha Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan, halka shirkadda PGM uu u saxiixay Gudoomiyaha Guddiga Maamulka shirkaddaasi Arif Canacik, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirrigelinta Maalgashiga Khaalid Cumar Cali iyo Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgan Bekar.
Wasiir Ganacsiga iyo Warshadaha oo heshiiskan saxiixay ayaa sheegay muhiimad ay leedahay in la baaro tayada badeecooyinka kala geddisan ee dalka soo gala iyo kuwa laga dhoofiyo.
“Shirkaddan Waxa ay ilaalinaysaa tayada badeecadaha dalkeenna la keeno iyo kuwa laga dhoofiyo. Dowladda ayaa ka masuul ah in qofka Soomaliga ah uu helo cunto iyo daawo tayo leh. Waa waajib saaran dowladda, gaar ahaan wasaaradda in ay ka fekerto tayada badeecooyinka dalka la keeno, lagana dhoofiyo.’
“Waxaa laga fekeri jiray dhawr sano kahor qofka marka uu gurigiisa kasoo tago nabad maku noqon doonaa. Balse haatan waxaa la gaaray in laga fekero tayada cunta uu cunayo, daawada uu isticmaalayo iyo waxyaabaha daruuriga ah ee noloshiisa saameynta ku leh. Waa waajib saaran xukuumadda in ay baarto badeecooyinka dalka soo galaya si aysan dhibaato u geysay nolosha dadka iyo deegaanka”
Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay go’antahay sidii ay uga qeybqaadan lahayd dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada ay dowladda Soomaaliya u qabato shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu soo dhaweeyay heshiiska oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid laba dalba faa’iido u leh.
“Waxaan jeclahay inaan idiin sheegno in Turkiga uu sii wadi doonto taageerada uu siiyo shacabka Soomaaliyeed, heshiiskanna qeyb ayuu ka yahay qorshaha aan ku xoojineyno hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya.” Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.
Shirkadda PGM ayaa ah shirkad caalami ah oo xafiisyo ku leh dalal badan oo caalamka ah, saldhiggeeduna yahay dalka Turkiga. Waxa ay sidoo kale baaritana ku sameysaa dhamaan waxyaabaha la geeyo iyo kuwa laga soo dhoofiyo dalka Turkiga.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda markii ay soo dhamaatay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliga Danjire Olgan Bekar iyo wafdiga la socday, isaga oo caddeeyay in Soomaaliya dhankeeda ay diyaar u tahay sidii looga mira dhalin lahaa heshiiskan iyo kuwii ka horreeyayba.
Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991dii ma jirin wax tayo baaris ah oo lagu sameeyay badeecooyinka dalka soo gala. Waxaa jirtay in dalka loo soo dhoofin jiray cuntooyin iyo daawooyin dhacsan iyo kuwa tayadoodu liidato oo aan bani aadamka loogu talagelin in uu isticmaalo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 10:30 and have
, Published at