daajis.com:- Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta madaxweynaha Maamulka Jubbaland ku wareejisay gaadiid dagaal oo ah kuwa gaashaaman ee ay xabaddu Karin iyo gaadiid kale oo ay ka midyihiin gawaarida ay Soomaalida u taqaan Cabdi bilaha iyo gawaarida gaadiidka deg dega ayaa maanta ka degey dekedda Magaalada Kismaayo.
Waxaa gaadiidkani ku deeqey dowladda imaaraadka Carabta, waxayna Deeqdan qayb ka tahay heshiis ay dowlad goboleedka Jubaland iyo dowlada Imaaraadku ku kala saxiixdeen magaalada Abu Dhabi xili wafdi uu hogaaminayay madaxweynaha Jubaland booqasho rasmi ah ku tageen dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha Jubaland ayaa umahad celiyay dowlada aanu waalaha nahay ee Imaaraadka sida hagar la’aanta ah ee ay isku garab taagtay dowlad goboleedka Jubaland.
Tirada gawaridan ayaa ahaa sida tan
5 Gaadiidka Gaashaaman
18 Gaadiidka Cabdi Billaha loo yaqaano
8 Gaadiidka waaweyn ee ciidamada lagu daabulo
4 gaadiidka gargaarka degdega ah ee caafimaadka ama ambalaasta ee lagu qaado askarta dhaawacu soo gaaray.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:00 and have
, Published at