Dhacdo Xanuun badan oo maanta ka dhacdey Gobolka Shabeelada Dhexe

Dhacdo Xanuun badan oo maanta ka dhacdey Gobolka Shabeelada Dhexe

daajis.com:- Warka ka imaanaya degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe, ayaa sheegaya in nin madaxa looga jiro uu halkaasi ku dilay wiil isaga la dhashay.

Wararku waxa ay sheegayaan in muran uu dhexmaray wiilkaani iyo walaalkiisa, sidaana uu ku dilay walaalkiis.
Aabe Maxamed Cali Magan oo dhalay Labada wiil is dishay, ayaa u sheegay warbaahinta in wiilka la dilay ay isku dhaceen wiil isaga la dhashay buuq iyo muran kadibna uu dilay wiilka kale.

Mid kamid ah dadka Deegaanka ayaa sheegay in wiilka dilka geysanaayay uu soo qaatay Faas ama Misaar, islamarkaana walaalkiis oo damacsanaa in Salaad Subax uu Tukado uu maskaxda uga dhuftay Markii uu dhacay ka dibna uu wadnaha uga sii dhuftay sidaasna uu ku geeriyooday.

Dhanka kale, Ninkii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday sida aabihiis uu sheegay, iyadoo ciidamada amaanka ay bilaabeen baadi goobkiisa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada