daajis.com:- Iyadoo uu khilaaf xoogan hareereeyay Hogaanka sare ee Maleeshiyada Alshabaab ayaa waxaa arrimo dhowr ah oo Kooxdaasi khuseeya ka hadlay Horjooge ka gadooday Maleeshiyada.
Sheekh C/llahi Axmed “Abu Maxamed” oo ka gadooday Maleeshiyaadka Alshabaab, ayaa sheegay in khilaafka Kooxda uu yahay mid uur-kutaalo ku noqday dhaqdhaqaaqyada kooxda waxa uuna tilmaamay in khilaaf kaasi lamid ah uu ka dhextaagan yahay Culimada ugu sareysa Kooxda ee u fatwooda.
Waxa uu tilmaamay inuu go’ay dhaqaalihii laga heli jiray dibadda, balse ay jiraan dhaqaale si hoose looga qaado Ganacsatada ku nool Gobolada ay Kooxdu ka arrimiso.
Mar uu ka hadlaayay dhaqaalaha Kooxda ay ka hesho dibadda ayaa waxa uu sheegay inay bixiyaan wadamo dhowr ah oo ay kamid yihiin Sacuudiga, Kuwait, Doha iyo dhowr dal oo uu ka gaabsaday.
Qoraal gaaban oo uu kusoo daabacay barta Twetter-ka ayaa waxaa kamid ahaa ”Dhaqaalo la’aan ma jirto balse waxaan aaminsanahay in dhaqaalahaasi uu raacay Khilaafka taagan. aragti ahaan maqabo in leysu hayo diin”
Dhanka kale, waxa uu carabaabay in Kooxda geerida Godane kadib ay u kala jabtay ilaa Afar qeyb oo mid waliba ay heysato fakir ka duwan kan Hogaamiyaha Kooxda Axmed Diiriye.
Suuragalnimada dagaal xoogan oo dhexmara Kooxda ayuu sheegay inay tahay mid suuragal ah, balse ay iminka yihiin kuwo isku hub uruursanaayo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:30 and have
