daajis.com:- Madaxweynaha Nigeria Muhamadu Buhari ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xilka madaxtinimada dalkaas, kadib xafladda caleema saarka oo ka dhacday fagaare ku yaal magaalada Abuja, halkaasoo kumanaan ruux iyo madax ka socota Afrika ay goob joog ka ahaayeen.
Buhari ayaa waxaa dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Nigeria Mahmud Mohammed, waxaana loo gacan geliyay buugga Dastuurka dalkaas iyo calanka.
Madaxweyne Buhari ayaa waxaa xilka ku wareejiyay ninka uu doorashada kaga guuleystay Goodluck Jonathan, kaasoo ku sugnaa madasha lagu dhaarinayay.
Khudbad dheer oo uu ka jeediyay munaasabada caleema saarkiisa ayuu ku sheegay inuu dagaal la geli doono oo uu madaxa goyn doono Boko Haram, sidoo kale waxaa uu xusay inuu la dagaalami doono musuq maasuqa.
Mr Buhari ayaa xusay inaan Boko Haram laga adkaan karin, ilaa la soo bad baadiyo dadka ay afduubka u heystaan, waxaana uu xusay inay soo furteen ilaa labo boqol oo ay horay u qafaasheen.
Mohamadu Buhari ayaa ahaa Hogaamiyihii Milateriga ee sanadihii 1984, isagoo xiligaas lagu xusuustay xukunkiisa adkaa, waa nin muslim ah oo ka soo jeeda waqooyiga Nigeria oo ah halka Muslimiinta ugu badan ku nool yihiin.
Waa markii u horeysay ee Madaxweyne ka yimid Mucaaradka xafiiska la wareega, markii uu ku guuleystay, taariikhda ma aysan dhicin ilaa sanadkii 1960 oo ay Nigeria qaadatay xornimada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:30 and have
, Published at