daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta khudbad ka jeediyey munaasabada 18 May ee Soomaaliland u aqoonsatay in ay tahay maalin xornimo ayaa caalamka uga digey in Soomaaliya loo dhiso ciidan xoog leh.
Siilaanyo oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey sanad-guuradii 24aad ee kasoo wareegtey asaaskii Soomaaliland oo maanta ka dhacdey Hargeysa, wuxuu sheegay in dhismaha ciidankaasi halis gelin doono nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, isagoo sabab uga dhigey arintaas in Dowladda Soomaaliya dooneyso inay xoog dib usoo celiso midnimadii Soomaaliya.
“Waxaan ognahay in dhowaanahanba la wado hindise ciidamo loogu dhisayo Soomaaliya,haddaba waxan uga digayaa inay tallaabadaasi hurin doonto colaado hor leh iyo xasillooni darro kusoo kororta mandiqadda Geeska Afrika” ayuu yiri.
Beesha Caalamka, gaar ahaan dalalka Soomaaliya ka taageera dhinaca dib-u-dhiska ciidamada ayuu ugu baaqay inay arrintan si gaar ah uga fiirsadaan.
Sidoo kale,madaxweyne Siilaanyo ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhinta loo sameeyey xukuumaddiisa, isagoo xusey in muddo kordhintu tahay mid ku timid qaab dastuuri ah islamarkaana isagu shaqsiyan wax lug ah ku lahayn go’aanka Golaha Guurtidu qaateen.
Dib u dhaca doorashada mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay in mas’uuliyadda dib u dhaca dowladda keliya lahayn balse taas canaanteeda loo wada siman yahay dowlad iyo mucaaradba.
Wuxuu lagama maarmaan ku tilmaamey in laga fogaado wax kasta oo khal khal gelin kara nabadgelyada iyo jiritaanka Soomaaliland.
Dowladdad faderaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa dadaal ku bixinaya sidii loo heli lahaa ciidamo mideysan oo u dalka yeesho,kaaso la doonayo si isku mid ah ammaanka dalka inay u sugaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 21:00 and have

