daajis.com:- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose, halkaasoo ay kaga qeyb galayan xaflada caleema saarka Baarlamaanka Jubba oo dhowaan doortay Guddoomiye iyo labo kuxigeen.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, waxaana loo gelibiyay Madaxtooyada Kismaayo.
Goor sii horeysay waxaa Kismaayo ka degay Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Kenya, kuwaasoo iyana ka qeyb galaya xaflada caleema saarka Baarlamaanka Jubbaland.
Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in amniga magaalada si aad ah loo adkeeyay, isla markaana la xiray wadooyin badan.

Waxaa kaloo ku sugan Kismaayo Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey, sidoo kale maamulka Koofur galbeed ayaa xubno ka socda ay ka qeyb geli doonaan caleema saarka Baarlamaanka Jubba.
Baarlamaanka KMG ah ee Jubba oo dhowaan la soo xulay ayaa ka kooban 75 xildhibaan, hase ahaatee waxaa jiray cabashooyin iyo dhaliilo loo jeedinayay habka lagu soo xulay, iyadoo Mudanayaal ka tirsan Baarlamaankana ay ka soo horjeesteen dhismaha baarlamaankaas oo aan loo marin hab waafaqsan awood qeybsiga iyo heshiiskii Addis Ababa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 09:00 and have
, Published at