daajis.com:- War goordhow naga soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan Nabad Sugida Qaranka fashiliyeen Bam lasoo dhigay wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan isgoyska Dabka.
Goob joogayaal ayaa noo sheegay in Waxyaabo looga shakisan yahay in ay ku jiraan waxyaabaha qarxa oo lagu soo xiray Bac weyn lasoo dhigay agagaarka Isgooska Dabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi gabi ahaan xiray oo dadka iyo gaadiidkaba u diidaya Ciidamada Nabad Sugida.
Ciidamada ayaa lagu arkayaa laamigaasi iyaga oo dadka uga digaya in ay usoo dhawaadaan waxyaabahan laga shakisan yahay, waxa ayna gaadiidka marayaan wadooyin qardo jeex ah oo mara xaafadaha dhaxdooda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:30 and have



