daajis.com:- Wararka hordhaca ah ee Naga soo gaadhaya magaalada Boorama ayaa sheegaya in gacanta lagu soo dhigay ugu yaraan Lix xubnood oo ka mid ah Koox loo xilsaaray tababarada, dhaqaalaha iyo dhanka logistikada inay ka caawiyaan maleeshiyo argagaxiso ah oo laga aas aasayay gobolka Awdal,halka qaar kalena lagu daba jiro kadib markii Dawlada Itoobiya amar deg deg ah ku siisay maamulka Hargeysaad inay soo qabqabtaan niman dhawaan Warbaahinta Harowonews soo tabisay oo maamulkaasi doonayay inay ku macaashaan, kuwaas oo maamulka Siiraanyo qorshaynayay inuu Saldhigyo uga sameeyo buuralayda Awdal, gaar ahaan buuraha ku teedsan xuduudka dhinaca Itoobiya.
Maamulka Hargeysa oo arintan ku khashifmay waxa khasab ku noqotay inuu is daad-raaciyo oo dadkii uu shalay hawlgaliyay uu maanta dambiilayaal ka dhigo.
Faah faahinta warkan iyo magacda shakhsiyaadka gacanta lagu dhigayba dhawaan ka filo. Harowonews
Xigasho:- Harowonews
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at