daajis.com:-Borama (Harowo) – Diyaaradaha wax indho indheeya ayaa buuralayda Magaalada Boon lagu arkay mid ka mida diyaaradaas oo ah waliba kuwa qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Copterska oo joog hoose goor habeenimo ah ku soo maray buuraha Libaaxley iyo guud ahaan deegaanka Magaalada Boon kadib markii shabakada ugu afka dheer gobolada galbeedka ee Harowo ay kashiftey maleeshiyo Al-shabaab ah oo maamulka Hargeysa rabay inuu aag cusub ugu furo deegaankaasi.
Hadaba markii shabakada Harowo banaanka soo dhigtey qorsha maamulka Hargeysa iyo dhaqdhaqaaqa Al-shabaabtan ayaa waxa markiiba soo faro galiyay dawlada wadanka Ethiopia oo sidii aanu hore u sheegnay aanan faraha marnaba kala laaban isla maalintii warkaas aan daabacnay kadib sirdoonka wadanka ethiopia ayaa ku mashquulsana ka salgaadhka iyo soo qabashada xubnahaas.
Wakiilka Ethiopia u fadhiya somaliland ayaa sida la sheegay isaguna soo faro galiyay hawshan waxana amar buuxa lagu siiyay maamulka Hargeysa inay keenan ninmanka ay buuraha galiyeen hadii kalena ay dawlada Ethiopia ay iyadu halkoodu ugu tagayso sida ugu dhakhso badan.
Amarkaas kadib ayaa maamulka Somaliland isdaadraaciyey markii ay ogaadeen qorshii ay maleegayeen inuu ku soo noqday markii ay shabakada Harowo daaha ka rogtay waxayna bilaabeen inay dadkii markiiba horeba ay rabeen inay u istimaalaan ka horkeenida tolkood iyo wadanka ethiopia inay iyagu gacantooda kusoo qababtaan waxana warar xaqiiqo ah oo aanu helnay laga soo qabtey buuraha libaaxley lix nin oo saddex ka mida shabakada Harowo magacdooda horey u shaacisay waxayna kala yihiin:-
1-Dahir Ahmed Cawaale
2-Mohamed Gobe
3-Shabeel Xaashi Dharaar
iyo Saddex kale oo magacdooda aanu ku daba jirno waxana baxsadey labo nin oo ka mid ahaa tabarayaasha Al-shabaabtan oo midi ka soo jeedo Beesha Isaaq (Habar Jeclo) ka kalena yahay Gadabuursi (M.case, reer Maxamed) sadexdan gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay in loo qaaday dhinaca Hargeysa.
Dhanka kale waxa Magaalada Borama lagu xidhay labo dirawal oo iyo khasnajigii Jaamacada Eelo ee magaalada Borama oo lagu soo eedeeyay inay qorshahan qayb laxaadle ka qaateen, shabakada Harowo oo heshay magacda labada dirawal ayaa lagu kala sheegay:-
1- Idiris Aadan (Dirawal Gaadhi)
2- Maxamed Ismaaciil (Dirawal Gaadhi)
3- Ka Saddexaad oo ah Khasnajigii Jaamacada Eelo ee Boorama.
Waxa kale oo sirdoonka Itoobiya isha ku hayaa dhaqdhaqaaqa gudoomiyaha degmada Boon oo gacan weyn ku lahaa qorshahan. Isku soo wada duubo arrinta ayaa ku soo beegmaysa warar sira ahaa oo shabakada Harowo heshay banaankana soo dhigtey qorshayaal ka mid ahaa hawlaqarsoon ee Maamulka Hargeysa maaganaa inuu ku macaasho, si kaste ha noqotee badhitaankii Harowo ay gashay ee siraha badan ku heshay kaliya waxaanu shaacinay mid ka mida wararkeena, maanta wakaa an soo qorayno wixii laga yeelay.
Waxan bulshada daacadda ah ee reer Adal ugu bishaaraynaa inaanu Dhagaraha qarsoon ee Maamulka Hargeysa ka dhex wado gobolada galbeedka mid mid banaanka u soo dhigno, lana kaashanno saaxiibadayada muhiimka ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at