Daawo Sawirada Shirkadda Hormuud oo 100 kun oo dollar gudoonsiisay guddiga gurmadka Qaxootiga Soomaalida ee Yemen

Daawo Sawirada Shirkadda Hormuud oo 100 kun oo dollar gudoonsiisay guddiga gurmadka Qaxootiga Soomaalida ee Yemen

daajis.com:-  Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa lacag dhan 100 kun dollar waxay guddoonsiisay Guddiga Qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaalada waddanka Yemen.

Lacagtaan ayaa guddiga waxaa ku wareejisay qeybta samafalka ee shirkadaasi (Hormuud Foundation), iyadoo lacagtaan ay noqoneyso tii ugu horeysay oo nooceeda oo kale ah lagu wareejiyo guddigan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan guddoomiyaha Guddiga gurmadka Qaxootiga Soomaalida ee Yemen ka imanaya ayaa ka guddoomay deeqda Hormuud si ay iyana u sii gaarsiiyaan dadkii loogu tala galay.

Guddoomiyaha ayuu alle ugu baryay Hormuud inuu bedel kheyr qaba uu ugu bedelo isagoo ku booriyey shirkadaha kale ee Ganacsiga dalka inay ku daydaan.

Dhinaca kale Masuuliyiin ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo iyana la hadlay Warbaahinta ayaa xusay inay lacagahani ugu tala galeen dadka dhibanayaasha ah ee ka soo cararay dagaalada dalka Yemen , waxaana ay tibaaxeen in hadba dhibaatada iyo daruufaha dalka ay ka war heyn doonto mar weliba Hormuud Telecom.

Dhawaan ayaa waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray qaxooti isugu jira Yemeniyiin iyo Soomaali, kuwaasoo xaalado nolol xumo ay ku heysato Magaalada Muqdisho, iyadoo qaar ka tirsan degaanada .Maamul goboleedyada dalka ay sidaas si la mid ah kumanaan qaxooti ah ay gaareen.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada