daajis.com:- Hooyo Sacdiyo Bisbaas oo hadallo gubaabo u sheegtay hablo badan oo wax ka dhigta Jaamacadda SIMAD.
Hooyo Sacdiyo Shariif Xasan waxay ka timid gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka, waxay ardayda gabdhaha u sheegeysaa doorka ay dumarka uga jiraan bulshadda.
Taarikhda Hooyo sacdiyo marka aad akhriso waa la yaabeysaa, waxay lee dahay shirkad lagu magacaabo Sacdiyo Bisbaas kaasoo aad caan uga dalka Mareykanka.
Hooyadan sannadkii 1999-kii ayey ka tagtay magaalada Muqdisho, waxay iyada reerkeeda tageen dalka Mareykanka.
Waxay xirfadda ay ku bulaashay ka soo billowday iyadoo karineysa suugo iyo Basbaas, waana taas waxa loo yaqaano Sacdiyo Basbaas.
Si kastaba, Hooyadan xaley ayaan la hadlay iyadoo magaalada Muqdisho joogta una sheegay in uu dalka u baahan yahay, isla markaana loo baahan yahay doorka ay ganacsiga ka qaadatay in mid la mid ah ay ka qaadato horrumarka dalka.
Waxaan u sheegay dumarku in ay door muhiim waligood kaga jireen horrumarka nolasha Soomaalida.
W/Q: Mohamedkafi Ali Momin
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at