Wasiirka Gaashaandhiga oo gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud

Wasiirka Gaashaandhiga oo gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud

daajis.com:- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa galabta gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wasiirka ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo dad kale oo ka soo jeeda Waqooyiga Galgaduud.

Socdaalka Wasiirka ayaa waxaa uu la xiriiraa sidii uu uga qeyb qaadan lahaa arrimaha xal u helida caqabadaha maalmihii u dambeeyay ku hor-gudbanaa shirka, gaar ahaan beelo ka baxay shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe.

C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa la filayaa inuu kulan la qaato, waxgaradka, odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Waqooyiga Galgaduud, si uu ugu qanciyo in shirka ku laabtaan, kadib markii ay dhowaan isaga baxeen.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ku biiraya wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Cadaado.



Shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ayaa dhowaan guda geli doona wajigiisa labaad, waxaana ergooyinka ay ansixin doonaa dastuurka uu maamulka yeelan doono.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada