daajis.com:- Baarlamaanka Soomaaliya oo wali ay u socoto dooda ku saabsan mooshinka laga keenay dhismaha Baarlamaanka KMG Jubba ayaa isku raacay in mooshinka cod loo qaado maalinta Sabtida ee soo socota, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha aanu maanta hortagin Baarlamaank.
Guddoomiyaha Baarlamanka Prof. Jawaari ayaa mudanayaasha u aqriyay warqada ka timid Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ahaa inuusan diyaar u aheyn in Baarlamaanka hor-yimaado, isla markaana la siiyo waqti dheeraad ah.
“Ajandaha ah in Wasiirku uu hor yimaado Baarlamaanka, markii aan gaarnay go’aanka warqad baan u qornay aan leenahay waa in aad soo xaadirtaa oo warbixin siisaa Golaha Baarlamaanka, hase yeesheee waxaa uu noogu soo jawaabay in uusan hadda diyaar ahayn oo la siiyo waqti dheeeraad ah, sida uu xeer hoosadku qabana waxaa uu xaq u leeyahay xeer hoosaadka qodobkiisa 78 in 72 saacadood ka hor in loo sheego, mudadaas gudahood uu ku hor yimaado”ayuu yiri Jawaari.
Xildhibaanada soo qoray mooshinka Baarlamaanka hor yaala ee laga keeenay dhismaha Baarlamaanka Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa waxaa ay soo jeediyeen in cod loo qaado mooshinka markii mudanayaasha loo bandhigay qodobkaas waxaa badatay tirada qabtay in mooshinka cod loo qaado, hase ahaatee waa suura gali weysay maadaama kooramka loo baahan yahay uu soo dhameestirmi waayay waxaana dib loogu dhigay maalinta sabtida ah in codka loo qaado mooshinka.
Dhinaca kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku doodaya in dhismaha Baarlamaanka Jubba aan hab sharci ah loo marin, isla markaana ay tahay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu qaato doorkiisa, maadaama ay u baahan tahay la saxo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 06:00 and have

