Wsaiirkii hore amniga Puntland oo Jawaab kulul siiyay M/weyne Gaas

Wsaiirkii hore amniga Puntland oo Jawaab kulul siiyay M/weyne Gaas

daajis.com:- Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland, ayaa maalmo kahor sheegay in markii uu xilka la wareegayay aan lagu wareejin ciidamo xoogan oo sugi kara amaanka iyo askari boolis ah oo hubeysan.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa hadalka C/weli Gaas ku tilmaamay mid xaqiiqda ka fog oo meel ku dhac ku ah ciidamada kala duwan ee Puntland leedahay.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dowladdii uu hoggaaminayey C/raxmaan Faroole wareejisey ciidamo dhisan, tababar fiican qaba qalabkooduna u dhameystiran yahay.

“Madaxweyne Gaas xafladdii xil-wareejinta wuxuu ka qirey in lagu wreejiyey dowlad dhameystiran iyo ciidan dhisan…ma ahan inuu hadda sidaas dhaho oo ciidanka niyadda ka jibiyo”  ayuu yiri Khaliif Mudan.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in xaaladda amniga Puntland ee xilligan inay wanaagsan tahay balse ay jiraan dhaliilo yar yar oo ay ugu horreyso wada-shaqeyn la’aanta hay’adaha kala duwan ee amniga.

Khaliif Ciise Mudan ayaa shacabka Puntland ugu baaqay in ay midnimadooda ilaashadaan, isagoo Madaxweynahana si gaar ah ugula dardaarmey inuu ka taxadaro hadallada niyad jabka ku beeri kara ciidamada Puntland ee had iyo goor u taagan difaaca iyo sugidda amniga deegaanada Puntland.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada