Al-Shabaab oo gashay xaruntii AMISOM ee…

Al-Shabaab oo gashay xaruntii AMISOM ee…

daajis.com:-  Ururka Alshabaab ayaa saaka weerar xoogan ku qaaday saldhig ciidamada AMISOM ku lahaayeen deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana kadib xigay weerar xoogan oo Alshabaab ku qaadeen saldhiga.

Alshabaab ayaa ugu horeyn weerarka u adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay oo ay la eegteen afaafka hore carun ciidamada AMISOM ay ku sugnaayeen kuna taala deegaanka Leego ee Shabeelaha Hoose.

Wararka aan ka heleyno deegaanka Leego ayaa sheegaya in wali ay socoto oo la maqlayo dhawaqa rasaas googoos ah oo ay isweydaarsanayaan Alshabaabkii xarunta weeray iyo ciidamada AMISOM.

Ciidamada Alshabaab ayaa muddo labo saac ku dhow ka dagaalamaya deegaanka leego ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana sidoo kale la ogeyn qasaaraha ka dhashay dagaalka ka socdo deegaanka Leego.

Shacabka reer Leego, ayaa weerarkii saakay waxay ku sheegeen mid leesku adeegsaday hub aynaan muddooyinkaanba maqal, isla-markaana uu u muuqday mid si weyn loo soo qorsheeyay.

maamulka Shabeelaha Hoose ayaa k agaabsaday iney ka hadlaan dagaalka ka dhacay deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana jirin war kasoo baxay dhanka Alshabaab.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada