daajis.com:- Ururka Al Shabaab, ayaa xalay guluf xoogan ku qaaday Xaruntii Akadamiyadda Kismaayo ee duleedka Magaalada Kismaayo. Akadamiyadda waxay 9km u jirtaa Bartamaha Magaalada Kismaayo.
Ururka Al Shabaab, ayaa dagaal muddo saddex saac socday halkaasi kula galay Ciidanka Maamulka Jubbaland, oo fariisimo ku lahaa, iyagoona ugu dambeen kala wareegay gacan ku haynta Akadamiyadda.
Mid ka mid ah dadka degan aagga Akadamiyadda oo codsaday inaan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan, ayaa TV-ga Universal u sheegay in ciidan xoogan oo Shabaabka ka tirsan, ay soo weerareen halkaasi.
“Ciidan aad iyo aad u hubeysan, ayaa xalay na soo galay, dagaal adag ayay la galeen Ciidanka Jubbaland. Dagaalka saddex saac ayuu socday, waxaana meesha la wareegtay Al Shabaab.” Ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu yiri “Weerar kedis ayuu shacabka oo dhan la noqday, hub culus ayay labada dhinacba isku adeegsadeen, khasaaro badana waxaa la lee yahay waa jiraa. Dadkii deegaanka nin walba oo carari karay waa cararay.”
Wararka inaga soo gaaraaya Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaaya Shabaabku inay weli ku sugan yihiin Xarunta Akadamiyadda. Mana cadda khasaaraha labada dhinac ka soo kala gaaray dagaalka.
Maamulka Jubbaland iyo Ururka Al Shabaab, ayaan weli dhankoodu ka hadlin dagaalkaasi, oo saamayn ku yeeshay bulshada deegaanka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at