daajis.com:- Bannaanbixii labaad ee ka dhaca Puntland oo looga soo horjeedo Madaxda Dowladda Federaalka Somalia iyo dhismaha maamulka loo sameeyay gobolada Mudug iyo Galgaduud, kaasoo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.
Dibadbaxaan oo ay soo abaabuleen maamulka Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland ayaa waxaa lagu kabeeyay Sawirradda Madaxweynaha DF, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Cusmaan Jawaari.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdulqaadir Shire oo dibaxayaasha la hadlay ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka inay ku xadgudbeen jiritaanka xuduudeed ee Puntland, taasina aysan shacabka Puntland aqbali doonin.
Wuxuu Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland uu sheegay in wixii hadda ka danbeeya Madaxweynaha Somalia uusan kusoo gelayo Fiiso oo uusan mar danbe sida dal uu madax u yahay looga soo dhoweyn doonin.
Bannaanbaxaan ayaa ah kii labaad ee ka dhaca Puntland, iyadoo shalay magaalada Garowe sidaan oo kale lagu sharaf dilay sawiradda Madaxweynaha Somalia iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:55 and have
, Published at