Rag maseeray Xanuun iyo Xumaan badanaa -Bal yaabkan nala arag

Rag maseeray Xanuun iyo Xumaan badanaa -Bal yaabkan nala arag

daajis.com:- Maseerku waa wax dabiici ah oo bila’aadanka ilaahey ku beeray waana Astaanta ugu weyn ee lagu garto Qofka wax idin ka dhaxeyaan in uu ku jacel yahay iyo in kale .haduusan jirin maseer waxaa dhalan kara shaki ah in uu wali jacelkaaga gaarsiisneen heerkii la rabay maseerku waa loo siman yahay rag iyo dumar ogoowna Ruux la jecel yahay ayaa loo maseeraa.

Dhanka kale Maseerku waxa uu leeyahay Faa’iidooyin iyo qaasaaro badan taasi aan inta lagu soo koobi karin dhamaantooda balse waxaan isku dayaa in aan ka hadalno oo kaliya Faa’iidooyinka balaaran ee uu leeyahay.

1-Maseerku waa wax aad adiga dooneesid in aad kaligaa lahaato:

Ruuxa markii aad jeceshahay, jaceylkana uu dhab kaa yahay hamigaaga ugu horeeyo wuxuu noqon karaa sidii aad ku hanan laheed ruuxaas adiga oo ka baqaya in lagula wadaago, dadaal kasta aad ku heli karto ruuxaas in aad hanato waa mid aad markasta diyaar la tahay

2-Maseerku waxa uu cadeeya in uu ku jecel yahay qofka ay wax idin ka dhaxeeyaan:

Mugdi marnaba kaagama jiro hadii aad aragto in ruuxa uu kuu maseerayo ama aad u maseereeso in ruuxaas aad utahay daacad, jaceylkiisa ama jaceylkaaga uu yahay mid nadiif ah, wuxuuna meesha ka saarayaa in uu qofka kaaga shikiyo in uu aamino in aad ruux kale jeceshahay.

3-Maseerku waxa uu xoojiya xiriirka jacel ee kaala dhaxeeya lamaanahaaga:

waxa ugu badan ee xoojin kara jaceylkaaga waa maseerka, markii uu ruuxa ku jecel uu kaa maseero waxaad ogaataa in ruuxaas uu aad kuu doonayo sababtoo ah wuxuu ka maseeri lahaa dadka isaga ku hareereesan, hadii aad aragto ruux maseer badan waxaad ogaataa in ruuxaas jaceylka uu kuu qabo uu yahay mid adag.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada