daajis.com:- Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa qaaadacay shirka ka furmay Magaalada Dhuusamareeb ee looga soo horjedo ka iminka ka soconayo Magaalada Cadaado.
Sheekh Xuseen Cismaan Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in Mamaulka Hiiraan uusan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxda shirka ay Ahlusuna ku dhoodhoobeyso Magaalada Dhuusamareeb.
Gudoomiye ku-xigeenka waxa uu waxa kama jiraan ku tilmaamay in Gobolka Hiiraan uu maamul la wadaagayo Galgaduud iyo Koofurta Mudug, isagoona meesha ka saaray in degmada Matabaan aysan ahlusunna wax maamul ah ka dhisi karin ayna ka tirsan tahay Maamulka Gobolka Hiiraan.
Waxa uu sheegay in Ahlusuna ay uga digayaan faragalinta iyo waxa uu ugu yeeray warxumo tashiilka waxa uuna sidoo kale meesha ka saaray in Maamulka Gobolka Hiiraan ay la socdaan Siyaasada ku saleysan Shirka lagu garaafeynaayo Qaranka Somalia ee looga soo horjeedo kan ka socda Cadaado.
Dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay talaabo sharciga waafaqsan ka qado Maamulka Ahlusuna oo uu ku sheegay inay ka weecanayaan xeen-daabka sharciga Somalia.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:03 and have
, Published at