Barnaamij xasaasi ah oo ku saabsan darbiga Kenya ka dhisayso xuduuda (Daawo Video)

Barnaamij xasaasi ah oo ku saabsan darbiga Kenya ka dhisayso xuduuda (Daawo Video)

daajis.com:- Waa barnaamij gaar ah oo ka hadlaaya xuduuda Dowladda Kenya, ay doonayso inay ka dhisto xuduuda ay la wadaagto dalka Kenya, iyadoo qiil kaga dhiganaysa weerarada kaga imanaya Ururka Al Shabaab.

Kenya, ayaa Khamiistii bilowday inay ciidan gudaha u soo geliso Waqooyiga Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, waxayna burburin ku bilowday dhismooyin, halkaasoo ay doonayso in darbiga xuduuda ka hirgeliso.

Shacabka ku dhaqan Degmada Beled Xaawo, ayaa Sabtidii isugu soo baxay bannaanbax ay kaga dhiidhinayan qorshaha Kenya, ay gudaha ugu soo gashay dhulka dalka Somaliya.

Shacabku waxay Madaxda Dowladda Somaliya iyo Maamulka Jubbalandba, ay ugu yeereen inay si deg deg ah kaga hadlaan xadgudubka, ay Dowladda Kenya ku soo sameysay dhulka Somaliya.

RIIX HAL KAAN SI AAD U DAAWATO



Arrinta darbiga dhisidda, ayaa soo xoogeysatay ka dib markii weerarka ardayda badan lagu haayay, ee Shabaabka ka geysteen Dhismaha Jaamacadda Magaalada Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay Magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaan si rasmi loo garanayn waxyaabaha ay ka wada hadleen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada