daajis.com:- beesha habar gidirWararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya deeganada ay dagto beel waynta Habar gidir oo dagaal kula jirta dowladda Gumaysiga Itoobiya iyo xulufadeeda ayaa sheega in uu caawa jiro gurmadyo gaaray Geesiyaashii maalmahan difacayay naftooda.
Ciidamo Gurmad ah ayaa saacadihii u dambeeyay kasoo kala baxay deegaamada beeshu degto si ay ugu biiraan Dagaalka waxaana kamid ah, magaalooyinka Gurmadka ciidan soo diray Cadaado, Gaalkacyo, Dhuusamareeb, iyo Matabaan, waxayna ciidamadaasi ku kulmayaan sida warku sheegayo Duleedka magaalada Guriceel, halkaasi oo haatan ah Halbawlaha beesha.
Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cirfo oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in maleeshiyada Liyuugu xasuuq ka gaysteen Gudaha Gobolka Galgaduud, waxaana uu sheegay inay iska difaacayaan waxa uu ku tilmaamay Gardarada maleeshiyada Liyuuga.
Sarkaal kamid ah xooga gumaysidiidka oo la hadlay shabkada wararka cadaalad.com ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay Malayshiyaadii Liyuuga booliska ku jabiyeen ayna uga dileen inkabadaan 30 askari oo qaar ay yehiin saraakiil Itoobiyaan ah.
Warar hoose oo aan helayno ayaa ku warama in halkaas ay caawa gareen ciidamadii ugu Tirada badnaa ku waas oo la doonayo in saqda dhexe ee caawa ay dhamaan deeganada ka xoroyeen gumaysiga ku soo duulay oo doonaya in ilamaha iyo haweenka xasuuqaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at