Beijing oo mamnuucday in sigaar lagu cabo fagaaraha

Beijing oo mamnuucday in sigaar lagu cabo fagaaraha

daajis.com:- Waxaa haatan mamnuuc ah in sigaar lagu cabo makhaayadaha, xafiisyada iyo goobaha laga raaco gaadiidka dadweynaha ee caasimadda Shiinaha ee Beijing, kaddib markii la adkeeyay sharciyadii horay u jiray.

Dalka Shiinaha oo ah mid ka mid ah dalalka uu aadka u sareeyo cabitaanka sigaarka dunida ayaa la qiyaasaa in in ka badan 300 oo milyan oo qof ay sigaarka cabaan.

Hasayeeshee laga bilaabo maanta oo Isniin ah waxaa magaalada Beijing mamnuuc ka ah in sigaar lagu cabo meelaha ay bulshada isugu timaado.

Kummanaan askar ah ayaa waxa ay soo kormeeri doonaan goobaha ay dadka isugu yimaadaan ee magaalada, iyadoo qofkii sharcigaasi jabiyana uu wajihi doono ganaax lacageed oo gaaraya ilaa iyo 30 doolar.

Balse Dr Angela Pratt, oo ka tirsan Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa waxa ay sheegeysaa in sharciga haatan dhaqan galaya uu miro-dhal noqon doono.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in inta badan dadweynaha ay la tahay in mamnuucidan ay sidoo kale noqon doonto mid aan wax ku ool ahayn.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada