daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya deegaanka Hoosingoow ee Jubooyinka, ayaa sheegaya in dagaalyahano Al-shabaab katirsan ay wadada u galeen Gaadiid Sokor u waday Dalka Kenya.
Qaar kamid ah gaadiidka ayaa la sheegayaa in ay ku qarxeen Miinooyin horay wadada loogu aasay, waxaana la xaqiijiyay in dhowr kamid ah Gaadiidkaas Sokorta waday ay bur bureen.
Gaadiidkan Sokorta waday, ayaa la sheegay ineey galbinayeen ciidamo katirsan kuwa Milatariga Kenya.
Kadib qaraxyada lala beegsaday Gawaarida Sokrta waday, ayaa waxaa bilaabatay is rasaaseen xoogan oo u dhaxeysa ciidamada Kenya iyo Kuwa Al-shabaab.
Majiraan wax faah faahino oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkaas, balse waxaa la xaqiijiyay in dhowr Gaari oo Sokor waday ay burbureen.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:30 and have
, Published at