Bulshada Ku dhaqan Columbus oo taageertay shirka Cadaado+Sawiro

Bulshada Ku dhaqan Columbus oo taageertay shirka Cadaado+Sawiro

daajis.com:- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalda Colombus ee Dalka Mareeykanka, ayaa qabatay kullan ay ku taageerayaan shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe.

Gudoomiyaha jaaliyada Soomaalida Ohio Xasan Cali Cumar oo xaflada ka hadlay ayaa hoga tusaaleeyay in gobolada dhexe ay la midyihiin xudunta qofka aadanaha ah ku taala hadii xuduntu bokootana uusan qofku nolaan karin, taa badalkeeda gobolada Dhexe waa xuduntii dalka ayuu yiri ee yaan la halayn ee horseed u noqda nabada.


Suldaan fiqi oo ka mid ah salaadinta Soomaaliyeed ayaa amaanay doorka dowladu ku leedahay dhismaha maamulada dalka ka jira isaga oo dhanka kale yiri ” Doorka dowlada soomaaliya waa mid muuqda howl wanaagsana waa ay qabteen, dowladu waa in ay gobolada ay tagayaan maamuladana u dhisayaan ogaadaan in ay kala duwanyihiin caqabado badana uga imanayaa isla markaana looga fadhiyo in ay u wajahan sida deegaanadu u kala duwanyihiin, si loo helo dad ku faraxsan maamulka loo samaynayo”

Jaamac Ciise Bariir ayaa xusay in loo bahanyahay in dowlada Soomaaliyeed ay dadka deegaamadaasi u madax banayso in ay iyagu is turxaan bixiyaan, kana caawiso wixii jasiilaad ay u bahanayihiin, isaga oo dhanka kale ugu baaqay dadka deeganka in ay guntiga dhiisha isaga dhigaan sidii ay midnimo wax ugu dhisi lahayeen.

Waxa uu sidoo kale Jamac canbaareeyay weerar dad lagu laayay oo dhawaan ka dhacay gobolada Galgaduud xili ciidamo ka socoda dowlad deegaanka Soomaalida ee itoobiya ay weerareen Soomaali xoolo dhaqato ah.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada