Kenya oo Norway ku eedeysay ineey Taageerto ururo Argagixiso

Kenya oo Norway ku eedeysay ineey Taageerto ururo Argagixiso

daajis.com:-  Dowlada Kenya ayaa Dowlada Norway ku eedeeysay ineey taageero ururo Argagixiso.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan mamnuucday saddex Ururo aan Dowli ahayn oo ka hawlgela gudaha Kenya, ayaa waxay Dowladda Kenya ku eedeysay Dowladda Norway inay taageeraan waxa ay ugu yeereen Argagixisadda.

Sarkaal Sare oo dhinaca Warbaahinta ugu qaabilsan Dowladda Kenya ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay eray kooban ama Hashtag ku yiri: “NorwaySupportsTerror” oo la micno ah Norway waxay taageertaa Argagixisadda.


Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Dennis Itumbi, ahna Agaasimaha Isgaarsiinta Dijitalka ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa maanta soo dhigay Twitterkiisa inay dowladda Norway weli sii wadaan Taageeradda ay siinayaan Ururka Haki Africa oo ah Urur Samafal oo ka dhisan magaalladda Mombasa.

Qoraalkaasi ayaa soo baxay, iyadoo uu Danjiraha Norway u jooga dalka Kenya, Victor Rønneberg sheegay inuu dalkiisa taageerayo Ururka Haki Afrika oo ah NGO ka shaqeeya arrimaha xaqiijinta Xuquuqda Aadanaha ee dadka ku nool dhulka Xeebaha ee dalka Kenya.


Danjiraha oo Wareysi siiyey Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay inay Dowladaha Norway, Maraykanka iyo Britain sii wadayaan taageeradda ay siiyaan Haki Afrika, si looga hortago falalka xag-jirnimadda.

Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxay dhawaan Ururka Haki Afrika ku biirisay Liiska Madow, waxayna ku eedeeyeen inay taageeraan Hawlgalladda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada