Daawo:- Ciidamada Booliska oo loogu deeqay qalab isgaarsiineed oo casri ah

Daawo:- Ciidamada Booliska oo loogu deeqay qalab isgaarsiineed oo casri ah

daajis.com:- Ciidamada Booliska Somaliyeed ayaa waxaa lagu wareejiyay qalab casri ah oo Isgaarsiinee, kaasi oo Dowladda Japan ay ugu talo gashay ciidamada Booliska.

Qalabkaan waxaa laga soo iibiyay dalka Germany, shalay ayaana lagu soo bandhigay Xarunta Taliska Booliska ee Magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadii lagu soo bandhiyaay qalabkaasi uu ku sugnaa Wasiirka Amniga Somalia.

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliya Generaal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa sheegay in qalabkaan uu yahay mid casri ah oo Digitaal ah, ayna ku shaqeyn doonaan ciidamada Booliska Somalia.


Wuxuu sheegay in tani ay qayb ka tahay horumarinta iyo tayeynta ciidamada Boliska.

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Japan ay uga mahadcelinayaan qalabkaan casriga ah ee loogu deeqay Booliska, wuxuuna balan qaaday inay ciidamada si wanaagsan ugu shaqeyn doonaan.

Qalabka Booliska lagu wareejiyay ayaa ah qalab Isgaarsiineed oo sahlaya in ciidanka si fudud ay kuwada xiriiraan ayna ku kala qaataan xogta amni ee dalka.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada