MUUQAAL:- Gabar u dhalatey Dalka Jabuuti oo shaqo ku cusub dalkaas ka Biloowday iyo Shacabka oo la fajacay!!

MUUQAAL:- Gabar u dhalatey Dalka Jabuuti oo shaqo ku cusub dalkaas ka Biloowday iyo Shacabka oo la fajacay!!

daajis.com:- Gabar u dhalatey dalka Jabuuti ayaa waxaa la sheegay inay markii ugu horeysay ay dalkaas kaga yaabsatey shaqo nooc ku cusub gabdhaha dalkaas oo aysan horey gabar uga qaban dalkaasi ka dib markii ay noqotey gabadhii ugu horeysay dalkaas oo gaadiidka dadweynaha lacagta ka aruuriso arintaas oo sida caadiga ahna lagu yaqaanay dhalinyarada loogu yeero Kirishbooyada. 

Gabar Jabuutiyaan ah ayaa waxaa la sheeegay inay markii ugu horeysay inay ka qabatey dalkaas shaqo nooc cusub ah oo aan lagu aqoon gabdhaha iyadoona ay shaqadaaas ay qaban jireen oo qura raga, Gabadhaan oo lagu magacaabo Nasteexo oo u shaqeyso shirkada gaadiidka dadweynaha ee lagu magacaabo TSCD ayaa waxay noqotey gabadhii ugu horeysay ee dalkaas Jabuuti ka noqoto gabar lacagta ka aruuriso basaska gaadiidka dadweynaha ee dalkaas Jabuuti gudihiisa ka dhex shaqeeyo iyadoona ay gabadhaas arinta ay samaysay ay la yaab ku noqotey qaar badan oo ka mid ah dadka reer Jabuuti oo ayaga ku yaqaanay shaqadaas wiilal dhalin yaro ah oo loogu yeero inay yihiin Kirishbooyo. 


HAL KAAN HOOSE KA DAAWO


Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaas reer Jabuuti ay noqotey gabadhii ugu horeysay ee ka shaqeyso shaqada ay qaban jireen Kirishbooyada ayaa gabadhaasi waxay sheegtay inay aad iyo aad ay ugu faraxsan tahay shaqadeeda iyadoo sidoo kalena ay sheegtay inay ugu horeyntii ay dhibaato kala kulantey shaqadeeda gaar ahaana ay dhib ku noqotey ka aruurinta lacagta ee raga soo raacaayey baskaas oo ayna ku dhibi jireen bixinta lacagta laakiinse ay markii dambe maslaxo iyo wadahal ka dib ay arintaas ay u fududaatey oo ayna ragu ay hada si wanaagsan oo caadi ah ay u siiyaan lacagta ay ku raacaan baskaas ay ka shaqeyso gabadhaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada